Musuqmaasuqa oo lala dagaalamaa waa sare u kaca dhaqaalaha ( fighting corruption is economic growth )

0
202

Musuqmaasuqa oo lala dagaalamaa waa sare u kaca dhaqaalaha ( fighting corruption is economic growth )

Laakiin waa goorma ? waa marka hay ada maamul wanaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqu sidii la rabay u shaqayso, todoba sano way shaqaynaysay hay adaasi , lamana hayo qof ay maxkamad ku saartay xoolo uu lun saday, lama hayo lacag ay qasnada dowlada ku soo celisay , hanti ay xaraashtay kadib markii lagu helay musuqmaasuq , wasiir ay ku dacwaysay musuqmaasuq ,waayo ,caalama waa la tilmaamaa kuwa noocaas ah,

Hadab maantaan ayaan hay adahii dowlada badhayaa ,oon dowladii hoose badhayaa , waa waxba kama jiraan, waa qowda maqashii waxana how qaban , waa qari waxii dalkan boob ka dhacay ,waa daah saar lacaga la lunsady ee dalka dibada iga baxay, waa qari doobka dhulkii hantida guud, waa hadoodil musuqa jira ee keenay maanta xaaladan sixir barar ee dalku maraayo, iyo safrada ka jirta dalka .

Waxaa se layaab leh , kooxdan leh maanta waxbaanu baadhaynaa , hada waa kooxdii axmed maxmed mader, gudoomiyahii hore ee ( hay ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ) uu iska casilay, waxii dalka ka dhacayey intii uu madar joogayba way la shaqaynayeen, , dhowr jeerna wuu ka dhawaajiyey , in dalku ku jiro xaalad musuq maasuq oo aad uxun oo tin iyo cidhiba uu wada saaqay,

Kooxdiinani markaa miyaad hurudeen , maydaan soojeedin , maydaan dareen la aydeen , miyaad qudh u soo jeedin, marka aad maanta leedahiin hay adahii baanu baadhaynaa, tiiyo waqtiba, hadhin, miyaadaan isla yaabayn, mar uu musuqmaasiqii cidhbaha ilaa madaxa ka baxay, halkaa waxaa ku jira khiyaamo qaran, hadii aad koox cusub ahaan lahaydeen waxuun bay ahaan lahayd, madar uun baa idinka maqan, waxaanu idin leenahay beentu waa xaaraan, umada runta usheega ayaanu idin leenahay.

Todobadii sanaba shaqadan waad hayseen , koox wada shaqaysan waad ahaydeen, gudoomiyahiinii horena wax uu ogaa ,ma hada aynu ogaanay iyaad leedahiin , markaa idinka laftirkiinaa musuqmaasuqa, waayo dareen xumadu waa cudur .waxaana idila gudboon in aad is casishaan, waayo, been baad umada u sheegaysaan, baadhitaankiinana waxa uu daboolka saarayaa   boobka ka jira dalka ee xukumadani samaysay, ee ay ahdayd in aad banaanka soo dhigtaan mar horeba,waayo nin leh waxii uu ogaa yaan dib u baadhayaa miyeyna ahayn isnasaqaad,

Gebogebadii

Nin waxa uu ogyahy sheegiwaayey waxaa ku yar wadaniyada, waxaanu ku xad gudbay shaqadii uu uhayey qaranka, hana o dhanina waxbaanu baadhynaa ye  magac kale u bixiya, musuq dadayaal baanu nahay dhaha, waayo shaqadiina waxaanu ka dhandhasany in aydaan daacad ahayn,

By: khadar adam aw muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here