Mourinho Oo U Gacan Haatiyay In Ay Hishiis Cusub Siinayaan Zltan Balse Hal Shardi Ayaa Ku Xerran.

0
236
LONDON, ENGLAND - FEBRUARY 26: Zlatan Ibrahimovic of Manchester United celebrates victory after the EFL Cup Final between Manchester United and Southampton at Wembley Stadium on February 26, 2017 in London, England. Manchester United beat Southampton 3-2. (Photo by Alex Livesey/Getty Images)

Tababaraha Man United ee Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo in kooxdiisa ay hishiis cusub ka saxiixdaan Zlatan Ibrahimovic

Laacibkaas 35 sano jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay kooxdaas 28 gool ka dib 46 kullan oo uu la saftay dhamaan kulamda balse dhamaadkii xilli ciyaareedkii ayaa waxaa gaaray dhaawac culus oo uu weli ka soo kabsnaayo

Markii uu xilli ciyaareedka dhamaaday ayay United shaaciyeen in aysan hishiis cusub siin doonin Zlatan ka dib markii midkiisa halka xilli ciyaareed ahaa uu u dhamaaday waxa ayna taasi keentay in kooxo kala duwan ay baadi goob u galaan saxiixiisa

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

” Waa suura gal in aan hishiis cusub ka saxiixnno ,run ahaantii haatan go`aanka isaga ayuu ku xeran yahay ” ayuu Jose ka yiri Mareykanka

“Aan sugno ilaa December waayo ma filayo ka hor in uu ciyaaro karo ,go`aanka ugu dambeeya laacibka ayaa leh” ayuu sii raaciyay Jose

Zlatan ayaa si xooggan looga doonayaa horyaalada Mareykanka iyo Shiinaha xilli yurubna looga gacan haatinayo iyana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here