Milatariga Shiinaha oo Jabuuti ku sii jeeda

0
220

Maraakiib wada ciidammo Shiinays ah ayaa u dhaqaaqay dhanka dalka Jabuuti oo uu ku yaallo saldhigii milatari ee u horeeyay ee ay ku yeehsaan meel dalkooda ka baxsan, sida ay ku warrantay warbaahinta dawldda.

Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.

Waxaa kale oo saldhigaas loo adeegsan doonaa is kaashi milatari, laylyidda ciidamma badda iyo hawlaha samato bixinta, sida ay ku warrantay Xinhua oo ah wakaaladda wararka ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa dardargaliyay maalgashiga Afrika isaga oo sidoo kalene si dhakhso ah u casriyeeyay milatarigiisa sannadihii dhawaa.

Picture of Chinese naval personnel in Djibouti in 2015

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here