Madaxweynaha Somaliya Oo Maanta Furaya Kalfadhiga Labaad Xildhibaanada Aqalka Sare

0
222

Xarunta Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa si weyn loo adkeeyay ammaankeeda, waxaana la dhigay ciidamo badan oo dowladda ka tirsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa maanta oo Arbaco inuu furo Kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka Somaliya.

Sida qorshaha uu yahay furitaanka Kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta ku beegan, sida uu horay u sheegay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi.

Xarunta Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa si weyn loo adkeeyay ammaankeeda, waxaana la dhigay ciidamo badan oo dowladda ka tirsan.

Guud ahaan waxaa xidhan wadada xidhiidhisa KM0 illaa Madaxtooyadda Somaliya oo ciidamada dowladda la soo dhigay si ay amniga u adkeeyaan.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka u jeedin doona Khudbad ku aadan xaaladda dalka uu maraayo iyo sharciyada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here