WARBIXIN: AC Milan-7, Everton-7: Kooxaha AC Milan Iyo Everton Oo Isku Hubaynaya Si Aan Hore Loo Arag Iyo Saaamynta Ay Yeelan Karaan Xili Ciyaareedka

0
338

Toban maalmood oo kaliya ayuu suuqa kala iibsiga ciyaartoydu uu si rasmi ah u gurin yahay laakiin labada kooxood ee AC Milan iyo Everton ayaa ah labada kooxood ee sida layaabka leh u hogaaminaya ciyaartoyda ugu badan ee ilaa hadda ay kooxo la wareegeen. Laakiin wali waxay suuqa ugu jiraan ciyaartoy kale oo muhiim ah waxayna u muuqdaan kuwo aan wali ka daalin qorshahooda suuqa kala iibsiga.

Haddii ay jiraan kooxo waa wayn oo aan ilaa hadda samayn hal saxiix ama ay jiraan kooxo waa wayn oo sameeyay min hal saxiix, kooxaha AC Milan iyo Everton ayaa ku raaxaysanaya isbadalkii ugu waynaa ee ay xagaagan samaynayaan balse waxay su’aashu tahay, saamayn intee leeg ayay xili ciyaareedka cusub ku yeelan doonaan Premier Leaque-ga iyo Serie A?.

Xaqiiqdi waxay tahay in wax wayn laga filan karo labadan kooxood gaar ahaan AC Milan oo ganacsi layaableh ka wada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa sida ay AC Milan iyo Everton ugu guulaysteen suuqa kala iibsiga ilaa hadda iyo saxiixyada muhiimka ah ee ay sameeyeen.

Aan ku bilawnee kooxda Everton ayaa wacdaro layaableh ka dhigaysa suuqa kala iibsiga waxayna shalay ku dhawaaqday saxiixa kabtankii Manchester United ee Wayne Rooney kaas oo noqday saxiixii TODOBAAD ee ay xili suuqan la soo wareegtay.

Wayne Rooney ayaa Everton ka soo baxay 13 sano ka hor markii ay Manchester United kula soo wareegtay £26.5 milyan oo gini wuxuuna Old Traffrod ka soo noqday xidiga abid goolasha ugu badan u soo dhaliyay Manchester United isaga oo magiciisa ku soo qoray 253 gool laakiin waxa uu si rasmi ah ugu laabtay Goodinson Park iyo goobtii ay wax kastaaba ka soo bilawdeen.

Tababaraha kooxda Everton ee Ronald Koeman ayaa haddaba sameeyay saxiixyo kooxdiisa waxwayn ku soo kordhin doona wuxuuna haddaba isku hubsaday saxiixyada Todobada  ciyaartoy oo kala ah: Michael Keane: £30m, Davy Klaassen: £24m,  Sandro Ramírez: £5.3m,  Jordan Pickford: £30m,  Henry Onyekuru: £7m , Wayne Rooney: xor ama bilaa lacag, laakiin Everton ayaa Michael Kaene iyo goolhaye Jordan Pickford ku soo kharash garaysay 60 milyan oo gini.

Si kastaba, Everton ayaa la filayaa in xili ciyaareedka cusub ay saamayn wayn la soo bixi  karto iyada oo waliba Ronald Koeman uu ka mid yahay tababaryaasha khibrada fiican u leh kubbada cagta, laakiin wali hawlgalkiisu ma dhamaan waxaana maanta ay kooxda Swansea City dalbatay in 50 milyan ay Everton ka bixiso xidiga kale ee diirada u saaran ee Gylfi Sigurdsson.

Haddii aan u soo laabano kooxda AC Milan iyo wacdaraheeda suuqa kala iibsiga waxay ugu horay heshay difaacii bidixi ee kooxda Wolfsburg ee  Ricardo Rodriguez kaas oo ay £15 milyan oo gini ka soo bixisay balse waxay lacag aad u badan ku kharash garaysay Andre Silva oo ay £35 milyan oo gini kaga soo qaadatay kooxda FC Porto.

Laakiin saxiixii ugu horeeyay ee ay Milan samaysay ayaa ahaa  Mateo Musacchio kaas oo ay Villarreal kagala soo wareegtay 15.8 milyan gini. Laakiin Andrea Conti ayaa San Siro ugu soo biiray 21.25 milyan gini waana mid ka mid ah saxiixyada ugu muhiimsan ee ay Milan soo xero galisay.

Laakiin xidiga la filayo in uu saamayn layaableh ku samayn doono Milan ayaa xidiga ree Turkey ee Hakan  Calhanoglu kaas oo Milan ugu soo biiray 18.70 milyan gini. Sidoo kale Milan ayaa 6.8 milyan gini ka soo bixisay xidiga  Franck Kessie kaas oo isna qayb ka ah ololaha isbadalka looga samaynayo Milan. Sidoo kale Milan ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay Fabio Borini kaas oo isna doorasho kale ah.

Si kastaba ha ahatee, kooxaha Milan iyo Everton ayaa ilaa hadda loo arkaa kooxaha sida ugu fiican uga dukaamaystay suuqa kala iibsiga ee aan dhibaato badan u marin bartilmaameedkii ay suuqa ka lahaayeen halka kooxo kale ay ilaa hadda ku dhibtoonayaan in ay helaan xidigaha ay doonayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here