Neymar JR Oo Su’aal Laga Waydiiyay Haddii Uu Man United Ku Biiri Doono “Haa” Kaga Jawaabay.

0
218

(DYX) Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ayaa wali rajo sii galinaya jamaahiirta iyo kooxda Manchester United isaga oo su’aal laga waydiiyay haddii uu mustaqbalka Manchester United ku biiri doono kaga jawaabay haa, laakiin hadalka kale ee uu raaciyay ayaan ahayn mid jawaabtiisa lagu rumaysan karo.

Neymr Jr ayaa sheegay in aanu jirin qof og waxa barri dhici doonaa  balse uu waqti xaadirkan ku faraxsan yahay kooxdiisa Barcelona. Neymar ayaa su’aasha mustaqbalkiisa ee Manchester United markii uu ka jawaabayayay ayuu sheegay in ay suurtogal tahay in uu Man United ku biiri karo si la mid ah kooxda Eibar.

Neymar JR oo markii wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa ka jawaabaya ayaa yidhi: “Kumaa og waxa barri dhici doona?Anigu hadda aad ayaan u faraxsanahay, aad ayaan ula qabsaday, laakiin wax kasta ayaa dhici kara, kumaa og?”.

Laakiin markii la waydiiyay haddii uu Manchester United ku biiri doono ayuu ku jawaabay: ” Haa… ama Eibar!”. Wuxuuna Neymar Jr hadalkiisa sii raaciyay: ” Waxaan rajaynayaa in uu noqdo xili guulo badan leh iyo farxad badan, anigu diyaar ayaan u noqonayaa. Waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah xili ciyaareedyadii noloshayda ugu muhiimsanaa. Waxa uu boqon doonaa kii noloshayda ugu muhiimsanaa”.

Neymar JR oo wali farxad ka sii muujinaya kooxdiisa Barcelona ayaa yidhi: “Sidaa daraadeed, anigu xaqiiqdii waan faraxsanahay waxaanan doonayaa in aan tababarka bilawdo oo aan diyaar noqdo”.

Neymar JR iyo asaxaabtiisa Barcelona ayaa dhawaan dib ugu soo laaban doona tababarka waxayna markii ugu horaysay ay la kulmi doonaan macalinka cusub ee Valverde kaas oo shaqada la bilaabi doona ciyaartoydii uu Luis Enrique ka dhaxlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here