Shacabka Degmada Xaaji Saalax Ee Gobolka Daad Madheedh Oo Soo Dhaweyn Aanay U Kala Hadhin Ku Qaabilay Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Wefti Uu Hogaaminayo+Sawiro

0
658

Shacabka Degmada Xaaji Saalax Ee Gobolka Daad Madheedh Oo Soo Dhaweyn Aanay U Kala Hadhin Ku Qaabilay Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Wefti Uu Hogaaminayo+Sawiro

Xaaji Saalax(DYX):-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh, ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhin maanta ku qaabilay guddoomiye Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti xukuumadda iyo xibsiga isugu jira oo hoggaaminayo, kuwaas oo kormeer ku samaynaya goobaha qaadashada kaadhadhka diiwaangelintu ka socoto ee gobolkaas ku yaalla.

Shacabka degmada, ayaa iyaga oo isku duuban guddoomiyaha iyo waftigiisa kaga hor yimi meel ka baxsan magaalada, waxana ay caleemo qoyan ku qaabileen, waftiga, iyga oo muujiyey taageerada muuqata ee ay u

hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisab.
Gudaha magaalada Xaaji Saalax, ayuu guddoomiyuhu kala hadlay kumanaan shacab ah oo soo dhweyntiisa ka qayb qaatay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waqtiga codaynta ay go’aankooda ku saleeyeen ciddii waxqabad u geysatay degmada.
Guddoonka degmada, waxgaradka, cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey waftiga ballaadhan ee uu guddoomiyuhu hoggaaminayo, waxana ay shaaca ka qaadeen inay sii ambo qaadi doonaan taariikhdii saaxiibtinimo iyo tii wada-shaqayneed ee shacabka deegaanka iyo xisbiga KULMIYE ka dhaxayn jirtey, taas oo salka ku haysay inuu xisbigu codad badan halkaas ka heli jirey.

Wasiirro deegaanka kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, xildhibaan Axmed Wayso-cadde oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka ku dhirrigeliyey inay u daymo lahaadaan ka abaalcelinta horumarka ballaadhan ee xukuumadda KULMIYE deegaanka gaadhsiisay, isla markaana maankooda ku hayaan abaalgudka mujaahidka KULMIYE hoggaaminayo oo qaar badan oo haldoorkii ay halganka soo wada galeen kasoo jeedaan degmada Xaaji Saalax.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Xaaji Saalax uga mahadnaqay soo dhaweynta qiimaha leh ee ay ku qaabileen isaga iyo waftigiisa, waxana uu si qoto dheer uga warramay taariikhda mujaahidiintii SNM ee ay soo wada halgameen, kuwaas oo kasoo jeeda degmada, waxana uu si gaar ah ugu dheeraaday hal-adaygii iyo wanaaggii ay lahaayeen Mujaahid Maxamed-cali iyo weliba Jaamac Cumar Cilmi.
Guddoomiyaha iyo waftiiga ayaa intaas ka dib ka hiraabtay hadhimo-sharafeed qiimo badan oo ay shacabka reer Xaaji Saalax ku qaabileen, waxana intaas kadib uu guddoomiyuhu xadhigga ka jaray dhismeyaal uu dhismeyaal xukuumaddu hirgelisay oo loogu talo galay Dawladda Hoose iyo xarun ay wasaaradda Xannaanada xooluhu yeelan doonto, isaga oo sidoo kale dhagax dhigay Riig-biyood cusub ee degmadaas laga hirgelin doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here