Sawirro: Arsenal Oo U Duushay Australia – Liiska Ciyaartoyda Safartay Oo La Soo Saaray: Yaa Ku Jira, Ayaase Ka Maqan? & Jadwalka Kulamadooda Oo Dhameystiran

0
220

(DYX)

Sawirro: Arsenal Oo U Duushay Australia – Liiska Ciyaartoyda Safartay Oo La Soo Saaray: Yaa Ku Jira, Ayaase Ka Maqan? & Jadwalka Kulamadooda Oo Dhameystiran

Arsenal ayaa u ambabaxday booqashada ay ku kala bixineyso dalalka Australia iyo Shiinaha.

Ciyaartoyda Gunners ayaa ahaa kuwa ku jiray jawi aad u fiican isagoo ka duulay xalayto garoonka diyaaradaha Stansted.

Ciyaartoyda ayaa ahaa kuwa sawiro isaga qaadayay salaanka diyaaradooda Boeing 777 ka hor inta aysan sawiro isaga dhex qaadin diyaarada dhexdeeda.

Inkastoo dhawaan lagu xamanayay in la iibinayo, weeraryahan Olivier Giroud ayaa qeyb ka ah 25 ciyaaryahan ee safarka ku jira.

Waxa ay taasi la micno tahay inaysan jirin arin degdeg ah oo ku fool leh Giroud kaasoo lala xiriirinayay kooxaha Everton, Marseille iyo West Ham.

Tababaraha Gunners oo ciyaartoydiisa safartay ku soo darsaday Mesut Ozil iyo saxiixa cusub Alexandre Lacazette ayaa u arkay Giroud mid sii joogi kara kooxda.

Giroud ayaa doonaya inuu si joogta ah u ciyaaro sannad loo tartamo in boos laga helo Koobka Adduunka, waxaana uu ka warqabaa in imaanshiyaha Lacazette inay sii xadidi doonto fursadihiisa kooxda.

Laakiin wuu joogay wuuna u dagaalamay booskiisa hadda ka horba.

Arsenal ayaysa u badan tahay inay noqon doonaan kuwa waaqici ah laakiin waxa ay ku dooni doonaan ciyaaryahanka in ka badan 30 milyan ginni.

Saxiixa kale ee Arsenal Sead Kolasinac ayaa isna ku mid ah ciyaartoyda u duushay Australia si la mid ah daafaca bidix ee da’da yar Cohen Bramall laakiin waxaa la xaqiijiyay inaan boos loo helin Kieran Gibbs, Carl Jenkinson iyo Mathieu Debuchy kuwaasoo ka tagaya kooxda xagaagan.

Goolhaye Wojciech Szczesny ayaa weli ah ciyaaryahan Arsenal ah laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu wadahadalo kula jiro kooxda Juventus.

Krystian Bielik, Ainsley Maitland-Niles, Donyell Malen, Reiss Nelson, Eddie Nketiah iyo Joe Willock ayaa ka mid ah da’ yarta ka duushay London ee ku sii jeeda Syney.

Sida la filayay Jack Wilshere iyo Gabriel ayaa laga soo tagay madaama ay dhaawacyo ka soo kabsanayaan.

Alexis Sanchez ayaa isna la siiyay waqti dheeri ah oo fasax ah madaama uu ka qeyb qaatay koobka Confederations Cup isaga iyo daafaca Jarmalka Skhodran Mustafi.

Waxa ay u badan tahay inay tababarka ku soo laabanayaan ka dib Emirates Cup oo la qabanayo dhamaadka bishaan.

Rob Holding, Calum Chambers iyo Hector Bellerin ayaa iyagana la siiyay waqti dheeri ah oo fasax ah ka dib markii ay ka qeyb galeen koobka qaramada Yurub ee juunyeerka.

Lucas Perez ayaa isna laga soo tagay madaama uu wadahadal ugu jiro inuu dib ugu laabto Deportvo La Coruna.

 

 

Ciyaartoyda Arsenal ee u duushay Australia

Petr Cech (Goolhaye)

Emi Martinez (Goolhaye)

David Ospina (Goolhaye)

Krystian Bielik

Cohen Bramall

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here