Gudoomiye Saleebaan Iyo Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Ka Socda Hargeysa Iyo Burco

0
184

Gudoomiye Saleebaan Iyo Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Hadlay Sida Ay U Arkaan Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Ka Socda Hargeysa Iyo Burco

Hargeysa(DYX):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo shalay si gooni gooni ah wax looga weydiiyey sida ay u arkaan bilowda kaadh qaybinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka bilaabantay gobollada Hargeysa iyo Togdhgeer ayaa baaq dheer u diray guud ahaan shacbiga reer Somaliland  iyaga oo ku guubaabiyey in ay nabadgalyadana ilaaliyaan.

Sidoo kale waxaa ay ka hadleen sida ay u arkaan madaxda axsaabta ee gobollka togdheer ku sugan. ugu horeyn guddoomiyaha golaha guurtida oo ka hadlay qaadashada kaadhka codbixinta ayaa ku tilmaamay inay tahay waajib muwaadin kasta saaran sidii uu u qaadan lahaa  “qaadashada kaadhka

diiwanagelintu muwaadin walba waa ku waajib in uu codeeyaana waa ku waajib, loomana baahna guubaabo iyo talo ee waajibkeenna aan gudanno”.

Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadaynu doonayno qaran inaynu noqono tiradeenu halkaasay ka muuqanaysaa ee waa inaynu codka bixinnaa, wax kale oo aynu ummada faraynaana ma jiree waxa weeye inaynu waajibkeena  gudano”.

Gudoomiye Saleebaan oo warbaahintu wax ka waydiisay sida uu arko dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee xisbiyadu ka bilaabeen magaalada Burco ayaa waxa uu yidhi “Xisbiyadu waxba olole may bilaabin ee waa kuwaa shaqo tagay oo Burco ayay isugu tageen  oo way isu muuqdeenne  dee intaa waynu ugu dul qaadanaynaa”. Ayuu yidhi Saleebaan.

Geesta kale xildhibaan  Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida ayaa isaguna ka hadlay dareenkiisa diwaan gelinta waxaanu yidhi  “Diiwaangelintu waa dawladnimada kowdeedii weeye ee halloo dadaalo ayaan leeyahay oo si wanaagsan oo nabad galyo ah halloo qaato kaadhka, iyada oo midna mucaarid iyo muxaafid aan hadal xun iyo qadaf tooni kasoo bixin”.

Xildhibaan Cabdi Waraabe ayaa intaas ku daray “Nabadgalyadana halagu xigsiiyo oo hala ilaaliyo, tirada iyo sharafta ayaa lagu miisaamayaa diiwaangelinta oo sida aynu u qaadanaa la eegayaa ee shicibku ha dadaalo meel uu joogaba, qofkii aan qaadanina wwaa dawladnimo ka bax, xukuumadduna waa ay dadaalaysaa ee halkaa  ha ka sii waddo, waxaanse leeyahay dadweynoow  ninwalowba ninka aad doonto raac laakiin is jeclaada laakiin wax hadal ah oo dhibaato lihi yaanay idinka soo bixin”. Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Xuseen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here