(DYX) Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo Si Kooban uga Hadlay Dhallinyarta Reer Somaliland ee u Shaqo Tagta Magaalada Muqdisho

0
229

Hargeysa(DYX):-Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka, ayaa si kooban uga hadlay dhallinyarta muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho u tagta arrimo la xidhiidha dhanka shaqada, waxaana uu dhallinyartaas u soo jeediyey in aanay masiirka umaddooda siisanin wax aad u liita.

“Dhalinyarada Xamar u shaqo doonatey hal ayaan odhan lahaa! Waar ummadiina masiirkooda oo aad liidaan guul ku gaadhimaysaan walaahi, Tan xukumadana waxan odhan lahaa xadhigooda iska daaya marka ay soo noqdaan mala magac baabay ku doonayaan xadhigee!.”.Ayuu boggiisa Facebook ga ku yidhi Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here