Arsenal Oo Ogolaatay In Ay Alexis Sanchez Ka Iibiso Man City Iyo Qiimo Qaali Ah Oo Madaxa Xidiga Ree Chile Dul Dhigtay.

0
221

Arsenal ayaa ugu danbayn ogolaatay in ay lacag ka samayso xidiga kooxdeeda ugu muhiimsan ee Alexis Sanchez iyada oo Manchester City ka iibinaysa. Laakiin Arsenal ayaa doonaysa in ay lacag badan ka samayso adeega Sanchez halkii ay si xor ah uu kooxdeeda kaga bixi lahaa dhamaadka xili ciyaareedka cusub. Manchester City ayaa ah kooxda ugu cad cad ee heli karta saxiixa Sanchez.

Sida uu wargayska Daily Mirror shaaciyay kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay  £80 milyan oo gini ka dalbato saxiixa Alexis Sanchez si ay Manchester City uga iibiso laakiin waxaa warbixinta lagu xusay in Manchester City ay dalabka ugu horeeya ku furi doonto £50 milyan oo gini iyada oo maanka ku haysa in Gunners ayna joogin boos ay si adag wada xaajoodyada uga gali karto mar haddiiba ay heshiiska Sanchez 12 bilood ka hadhsan tahay.

Ilwareed u dhaw Alexis Sanchez ayaa sheegay in kooxda Arsenal ay xidigan ku wargalisay in ay iska iibinayaan kadib markii uu iska diiday dalab uu usbuucii ku qaadan lahaa  £300,00 kun gini waxayna maamulka Gunner ugu danbayn ogaadeen ayna faa’iido ugu jirin in Sanchez uu kooxda sii joogo mar haddii aanu heshiis cusub saxiixayn taas oo ah in ay hantida kooxdooda ugu wayn bilaash ku waayi karaan.

Go’aaanka Arsenal ay iskaga iibinayso Alexis Sanchez ayaa faa’iido wayn u ah Manchester City oo ka warsugaysay inta ay Arsenal iyo Alexis Sanchez dhinac u kala dhacayaan waxayna haddaba diyaar u tahay in ay albaabka Asenal ku garaacdo dalab 50 milyan oo gini ah si wada xaajoodyadu u furmaan.

Alexis Sanchez ayaa doonaya in uu Champions Leaque-ga ka ciyaaro maadaama oo ay kooxdiisu xili ciyaareedka cusub ka soo muuqan doonto Europa Leaque-ga wuxuuna sidoo kale doonayaa in uu Guardiola kula shaqeeyo Etihad Stadium.

Manchester City ayaa sidoo kale doonays ain ay 45 milyan oo gini kula soo wareegto difaaca AS Monaco ee Mendy halka Kyle Walker uu yahay bartilmaameedka difaaca midig ee Guardiola basle qiimaha ay Man City xidigan ku doonayso iyo inta ay Tottenham ku qiimaynayso ayay 10 milyan oo gini u dhexaysaa.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta uu wargayska Daily Mirror qoray ee ah in Arsenal ay ogolaatay in Alexis Sanchez ay 80 milyan oo gini kaga iibiso Manchester City ayaa bilaw u ah wada xaajoodyo labada dhinaca dhawaan dhex mari kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here