Safiirka Somaliland ee Dalka Jarmalka Oo Ka Qayb-galay Shir Caalamiya Oo Ku Saabsan Maalgashiga Afrika.

0
382

Berlin(DYX):-Magaalada Berlin ee dalka jarmalka waxa lagu qabtay shir balaadhan oo lagaga hadlayey maal-gashiga dalalka afrika, waxaana shirkaasi ka qayb-galay madax badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxwaynaha Dalka Ginea Mr  Alpha Conde, Wasiirka dhaqaalaha iyo horumarka ee Jarmalka Mr  Gerd Müller, Wasiirka dhaqaalaha ee Mali Mr,Arouna Modibo Toure iyo Safiirada dalalka Somaliland, Kenya, Ethiopia, Suudaan, Ghana iyo dalal kale oo badan.

Sidoo kale waxa shirkan ka qayb-galay shirkado badan oo ka kala socdo dalalka adduunka kuwaasi oo

anaynayey maal-gashiga Afrika,

Safiirka Somaliland ee dalka Jarmalka Cabdifataax Cismaan Cigaal oo ka mid ahaa masuuliyiintii dalalka afrika ka socday ee shirkaasi ka qayb-galay ayaa kulan gaara la qaatay Wasiirka Ganacsiga ee Mali iyo Safiirada  dalalka Suudaan, Ethiopia iyo qaar ka mid ah shirkadihii shirkaasi ka qayb-galay waxaana uu kala hadlay qadiyada somaliland

Safiir Cabdifataax Cismaan waxa uu u sharaxay masuuliyiinta uu la kulmay in dalka somaliland uu yahay dal dihin oo u baahan in la maal-gashado.

Dayaxnews.net/Office

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here