Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Digay Saamaynta Uu Geeska Afrika Ku Yeelan Karo Khilaafka Wadamada Khaliijku

0
131

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijku uu degenaansho la’aan u keenayo Geeska Afrika.

Isaga oo baarlamaanka u jeedinaya khudbad laga baahiyay telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Hailemariam sheegay in Itoobiya ay rajaynayso in muranka lagu dhameeyo wada xaajood, isaga oo sheegay “in aysan su’aal ka taagnayn” in ay Itoobiya saamayn wayn ku yeelan doonto haddii uu gobolko qasmo.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalada ay Kuwayd ku doonayso in ay ku xaliso khilaafka.

Dalalka Geeska Afrika ayaa taariikh ahaan calaaqaad dhaqaale, mid milatari iyo mid siyaasadeedba la leh dalalka Khaliijka.

Bishii hore ayay ahayd markii ay Qadar ciidammadeeda kala baxday xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Eritrea iyo Jibuuti, arrintaas oo ay u badan tahay in ay sababtay ka dib markii ay dalalkani la safteen Sacuudiga markii uu soo if baxay khilaafka Qadar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here