Madaxweynayaasha Maraykanka Iyo Ruushka Oo Markii Ugu Horaysay Kulmay Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadlayaan

0
163

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horreysay fool ka fool u kulmay. Labada hogaamiye waxay ku kulmeen shir madaxeedka G20 oo maanta ka furmay magaalada dalka Jarmalka ku taalla ee Hamburg.

Waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaaan sidii ay boodhka uga jafi lahaayeen xidhiidhka labadooda dal oo sii xumaaday markii Moscow lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashada Mareykanka.

Wali ma cadda in warbaahinta loo oggolaan doono inay ka qeybgasha shirkaasi iyo in ay shir jaraa’id qaban doonaan labada hogaamiye.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii Mareykanka si uu ugu soo baxo musharaxa uu

door bidayo iyo inuu shakhsigaasi saameyn ku yeesho.

Madaxweyne Trump ayaa suuragalnimada arrintaa qiray markii uu usoo socday magaalada Hamburg ee uu shirka ka dhacayo, sidoo kalana waxa uu Ruushka ku eedeeyay inuu si badheedh ah xasilooni darro uga abuurayo dalka Ukraine, eedaymahaasi oo dhammaantood uu diiday aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo Ruushka.

Labadan masuul ayaa rajaynaya inay meel dhexe isugu yimaadaan, balse loolanka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya ayaa ka tarjumaya kala qeybsanaanta ba’an ee ka dhex jirta hoggaanka dalalka ugu dhaqaalaha buuran caalamka.

Hogaamiyayaasha G20 ayaa shirkooda kaga wada hadlaya qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan isbadalka cimilada aduunka.

Madaxweyne Trump ayaa kali ku noqon doona diidmada heshiiskii caalamiga ahaa ee Paris ee lagu dhimayay heer kulka sii kordhaya ee caalamka, hasa yeeshee hogaamiyaha Jarmalka ee martida loo yahay ayey tahay inay ku dadaasho ilaalinta mowqifka inta badan wadammadii heshiiskaasi ansixiyay.

Arrimaha kale ee sida weyn looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah muranka dhanka ganacsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa Waqooyiga Kuuriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here