Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Fiidkii Ka Soo Baxa England & Wargeysyada Spain, Italy, Germany & France

0
365

England

Rajadii ay Liverpool ka qabtay inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe Naby Keita ayaa waxaa soo wajahday cabaqad weyn ka dib markii kooxdiisa RB Leipzig ay shaacisay inaysan jirin sabab ku qasbeysa xagaagan inay iibiyaan ciyaartoydooda ugu muhiimsan. (Liverpool Echo)

Adnan Januzaj ayaa ku laabtay Manchester United iyadoo kooxda Shayaadiinta Cas Cas ay ka fiirsaneyso dalabyada u imaanaya xagaagan. (Manchester Evening News)

Monaco ayaan dooneynin inay daafaca midig Fabinho ka iibiso Paris Saint-Germain taasoo albaabka u fureysa inay Manchester United dalab ka gudbiso xiddiga reer Brazil. (Manchester Evening News)

Weeraryahanka Benfica Anderson Talisca ayaa sheegay inuu si weyn u doonayo inuu la shaqeeyo tababare Jose Mourinho, laakiin waxa uu qirtay in la wada ogaan lahaa haddii uu dalab ka heli lahaa Manchester United. (Manchester Evening News)

Pedro Obiang ayaa qandaraas cusub u saxiixay kooxda West Ham isagoo ku sii negaanaya ilaa iyo sannada 2022. (London Evening Standard)

Watford ayaa wadahadalo kula jira Chelsea oo ku aadan saxiixa Nathanial Chalobah waxaana ay kalsooni ka qabaan inay 22 jirkaan boosaska badan ka ciyaari kara ku soo celiyaan Vicarage Road. (London Evening Standard)

 

Spain

Ku laabashada Diego Costa ee kooxda Atletico Madrid ayaa lagu dhawaaqi karaa xilli dhow. Madaama Atletico xayiraad laga saaray inay diiwaangashato ciyaartoy cusub uma ciyaari karo kooxdiisa hore ilaa iyo bisha Janaayo, waxaana uu amaah ku tagi karaa horyaalka Shiinaha. (AS)

Haddii Dani Ceballos uu ku biiro Real Madrid waxa ay keeni doontaa in James Rodriguez uu albaabka ka baxo. James ayaa diirada u saaran kooxaha Chelsea iyo Manchester United. (AS)

Real Madrid ayaa fariin cusub u dirtay Kylian Mbappe  iyagoo si dhab ah ugu sheegay sida ay u doonayaan inay u la soo wareegaan xagaagan. Xiddiga reer France waxa uu dalabyo ka heystaa durbaba kooxaha PSG, Arsenal iyo Liverpool. Madrid kama walwalsana kooxaha Ingariiska laakiin waxa ay ka cabsi qabtaa in PSG ay bedesho maanka ciyaaryahanka. (Marca)

Xiddiga diirada u saaran Barcelona Marco Verratti ayaa kaliya ka tagi doona PSG haddii ay la soo wareegaan Mbappe ama Philippe Coutinho taasoo aan haatan u muuqan mid suurtogeli karta. (Mundo Deportivo)

Italy

Inter ayaa dooneysa inay la saxiixato Matteo Darmian laakiin ma doonayaan inay wax ganacsi ah la sameeyaan Manchester United madaama uu Jose Mourinho xiiseynayo xiddigooda Ivan Perisic. (La Gazzetta dello Sport)

Chelsea weli kama quusanin saxiixa daafaca bidix ee Juventus Alex Sandro laakiin waxa ay qirteen inay adag tahay in heshiiska la dhameeyo. (Corriere dello Sport)

Juventus ayaan dooneynin inay bixiso lacagta 50ka milyan yuro ee ay Fiorentina ku dooneyso xiddiga garabka ka ciyaara Federico Bernardeschi. Waxa ay kaliya ogol yihiin inay 40 milyan yuro ka bixiyaan 23 jirkaan laakiin bedelkiisa waxa ay u weecan karaan Douglas Costa. (La Gazzetta dello Sport)

Germany

Real Madrid ayaa afduuban karta xiddiga diirada u saaran Bayern Munich ee Leon Goretzka. Xiddiga khadka dhexe ee Schalke ayaa ku bixi kara si bilaash ah iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga danbe. (Bild)

RB Leipzig ayaa doonaya inay kooxdooda ku xoojiyaan xiddiga PSG Jean-Kevin Augustin iyagoo ku doonaya 13 milyan yuro. (Bild)

France

Weeraryahankii hore ee Newcastle Hatem Ben Arfa ayaa loo sheegay inuu xor u yahay inuu isaga tago PSG ka dib markii uu ku hungoobay inuu boos joogta ah ka helo Parc de Princes (L’Equipe)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here