(DYX)Waa Shakhsi sideeya sh. Aadan Siiro Maxaad ka taqaana Sheekha Halkan Kaga Bogo Sataan Tiisa.

0
252

Sheekh Aadan Siiro: Mufti Dawlad Xumadu Dhibayso (Jaamac Hilaac)

Waxaan bishan shuwaal ( Soon Fur) ee sanadka 1438H salaanta islaamka ( ASC)halkan uga dirayaa Sheekha , Muftiga , Caalimka iyo sama falaha weyn ee reer Somaliland Allaah ha barakeyee sheekh aadan maxamuud xiiray (Aadan Siiro).
Sheekha oo kamida culimo-awdiinka ugu magac weyn dhulka ay soomalidu degto laguna qadariyo aqoontiisa iyo kartidiisa ayaa ka soo jeeda Ehelu_ beledka magaalada Hargeisa oo ah qoys laga ixtiraamo dalka Somaliland gaar ahaan magaalada hargeisa iyo nawaaxiga ee gobolka maroodi jeex .
Sheekha oo 20kii sano ee la soo dhaafay si weyn ugu soo shaac baxay muxaadirooyinkiisa diiniga iyo maadiga ah oo ah kuwo maqal iyo muuqalba looga dhageysto / Fiirsado warbaahinta af soomaliga ku hadasha , ayaa hadana waxaa sidoo kale sheekha lagu majeertaa hawlaha samo falka khayriga ah ee uu ka dhex wado bulshada dhexdeeda .
Sheekha oo kamida ganacsatada shilimada haysata ahna adoon ( Cabdu Laahi) wanaagsan ayaa Alle (SWT ) uu qalbigiisa ka bad baadiyey xoolo urursi iyo madaxtinimo jacayl taaso sheekha sumcadiisa iyo karaamadiisa kor u qaaday .
Hawlaha Sama falka khayriga ah ee sheekhu magaaladan hargeisa ka hir galiyey oo ah meel ay ku noolyihiin in kabadan Hal milyan oo qof waxaa ka mida kuwan hoos ku qoran ,
1. Wuxuu sanadkii 2000 magaalad hargeisa markii u horaysay keenay mashiinada casriga ah ee lagu daqiijiyo hilibka iyo khudrada ( Meat and vegetable Grinding machines) mashiinadaas oo qiimo jaban uu ku kireeyay taas oo shaqo abuur iyo dhaqaale u soo kordhisay ganacsatada yar yare ee danyarta ah.
2. Wuxuu sheekhu ka qayb qaatay dib u dhiska iyo dib u habaynta qaybo ka mida wadooyinka magaalada hargeisa iyo dugsiyaada quraanka lagu barto kuwaas oo uu ku bixiyey dhaqaale badan .
3. Wuxuu sheekhu dib u soo celiyey nolosha qoysas badan oo reer hargeisa ah kuwaas oo dagaaladii dib u xorayntu bur buriyeen noloshoodii hore kadib markii uu sheekhu u furay meherado ganacsi oo yar yar .
4. Wuxuu sheekhu si joogto ah u dhiiri geliyaa tar tamada quraanka kariimka iyo siiradi rasuulka ah isaga oo abaal marino lacageed siiya ardayda xufaada ah ee kaalmaha hore gala.
5. Wuxuu si hagar la’aan ah sheekhu ugu ololeeyaa daryeelka iyo taakulaynta agoomaha iyo dadka uu haleelay xanuunka dhimirku kuwaas oo sheekhu u fidiyo mucaawinooyin iyo taageero dhinaca nafsiga ah.
6. Waxaa sheekha lagu xasuustaa dhulka xabaalaha ah ee uu ka sameeyay duleedka waqooyi ee magaalada hargeisa, xabaalahaas oo uu sheekhu si aqoonleh ugu qorsheeyay maytaadka ku aasan oo si fudud loo garankaro taariikhda la aasay , magaca iyo goobta marxuunkastaa ku xabaalan yahay .
7. Sheekha oo ka midaa ahaa ganacsatada korontada siisa magaalada hargeisa wuxuu masaajida iyo qaybo kamida danyarta reer hargeisa siin jiray korontolacag la’aana.
Sheekha oo ah mufti dawlad xumadu dhibayso ayaa kamid ah muwaadiniinta ku faro adag qadiyada madax banaanida Somaliland wuxuu maalmaha jimcaha iyo munaasibadaha kale majsidkiisa weyn ee ku yaala xaafada xawaadle ee 26june oo ay ku cibaadeystaan boqolaal qof oo reer hargeisa ah wuxuu sheekhu qudbadihiisa kaga hadlaa arimaha diinta , duruufaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed , iyo arimaha bulshada ee ku xeeran shacabka Somaliland , sheekha ayaa xukuumada madax weyne siilanyo ku tilmaamaa mid dawladnimada Somaliland dhabarka ka jebisay kuna fashilmatay amaanadii iyo masuuliyadii shacabku u igmaday.
Sheekha ayaa shacabka Somaliland uga diga inay qayb ka noqdaan iibsiga iyo boobka hantida umadu ay wada leedahay taaso la mid baytul maalka muslimaanta oo kale oo takri falkiisu xaaran yahay
Ujeedada qoraalkani wuxuu daaranyahay inaan sheekha allaha ha barakeeyee ku dhiiri geliyo inuu halkaas kasii wado dacwada iyo hawlaha sama falka khayriga ah ee bulshadeeenu u baahantahay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here