(DYX) Wasiir Isu Bedalay Afhayeen oo Ka Qeyliyey Taageeradii Reer Burco ee WADDANI+Ka Hadlay Sababta Muuse Biixi Looggu Soo Dhaweyn Waayey Burco

0
177

Hargeysa(DYX):-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Md.Keysar Cabdillaahi, ayaa afhayeenka noqday Xisbiga KULMIYE markii uu ka jawaabay sida oo kale na faah faahin ka bixiyey sababaha wefti uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE looggu soo dhaweyn waayey magaalada Burco.

Akhri, qoraal uu arrimahaas kaga hadlaaya wasiirkan isu bedelay Afhayeenka oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ga ee Internet.

Asalaamu Calaykum

Shalay galab ayay ahayd markii aanu socdaal shaqo ku nimi xarunta gobolka Togdheer ee Burco aniga oo ka mid ah Wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Ujeedada Socdaalkayaga ayaa ah sidii Bulshada Gobolka Togdheer ku nool aanu ugu wacyi gelin lahayn qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada oo maalinta Sabtida ah si rasmi ah looga bilaabi doono Guud ahaan Gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahana Murashaxa Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sameeyay Talaabo aad loogu diirsaday oo ay Shacbiga Gobolka Togdheer ay aad usoo dhaweeyeen ka dib markii uu Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaasha Xisbiga ku Amrray inaan la samayn wax dabaal-degyo iyo soo dhawayn ah isaga oo Ixtiraamaya Xeer-hoosaadkii Anshaxa iyo baaqyadii Gudiga Doorashada Qaranka ee ahaa inaan wax olole ah la samayn mudada lagu jiro hawlaha diiwaan-gelinta iyo kaadh qaadashada, walina aan la gaadhin xilihii Ololaha doorashada.

Talaabadaa uu qaaday Gudoomiye/Murashax Muuse Biixi Cabdi waxa ay ahayd Talaabo taariikhi ah oo caddayn u ah sida uu Xisbiga Kulmiye u Ixtiraamayo Xeerarka iyo Sharciga ay Gudiga Doorashooyinka Qaranku ay ku hawl galaan. Halka Xisbiga Wadani uu dhinac maray nidaamkii ay Gudiga doorashadu u dejiyeen in lagu dhaqmo.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiinta Xisbiga ee ku sugan gobolka Togdheer ayaa si habaysan oo xikmadi ay ku jirto u wata hawsha ay yimaadeen gobolka taasoo ka madhan is-tusnimo iyo arkaay i maqlaay.

Talaabada Geesinimada leh ee uu Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Taageerayaashiisa ku xakameeyay kuna Amrray inaanay wax dhoola-tusyo ah u samayn ayaa Sawir cad ka bixinaya Kala-danbaynta iyo Nidaam wanaaga hogaamineed ee Xisbiga Kulmiye ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here