(DYX) Goormaa La Filayaa In Man United Ay Dhamaystiri Doonto Saxiixa Romelu Lukaku? Iyo Xiliga Uu Tijaabada Caafimaadka Mari Doono

0
207

(DYX) Kooxda Manchester United ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto heshiiskii labaad ee ugu qaalisanaa suuqa kala iibsiga ee kooxdeeda waxayna heshiis la gaadhay kooxda Everton iyada oo 75 milyan oo gini kagala soo wareegaysa gool dhaliyaha ree Belgium ee Romelu Lukaku. Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa heshiiskan iyo waliba xiliga la filayo in uu ciyaartoy Man United ah noqon doono.

Manchester United ayaa sabtida dib ugu soo laabanaysa xarunta tababarka kooxdeeda waxayna axada u duuli doontaa USA iyada oo ka degi doonta Los Angeles halkaas oo uu ku sugan yahay xidiga ay doonayso in ay la soo wareegto ee Romelu Lukaku waxayna fasax ku wada jiraan Paul Pogba kaas oo door wayn ku leh in xidiga ree Belgium uu Man United doorto.

Manchester United ayaa qorshaysanaysa in Lukaku uu tijaabada caafimaadka ku maro Los Angeles halkaas oo ay u ciyaari doonto kulamo saaxiibtinimo. Inkasta oo ay Red Devils doonayso in ay heshiiska Lukaku ku dhawaaqdo waqtiga ugu soo horeeya ee ugu macquulsan haddana waxay kulamo saaxiibtinimo la yeelan doontaa kooxaha  LA Galaxy iyo Real Salt Lake ka hor kulamada ay la yeelan doonto kooxaha Man City, Real Madrid iyo Barcelona.

Mourinho ayaa doonaya in kulamada Manchester City, Real Marid iyo Barcelona uu haysto Lukaku si uu kooxdiisa ugula sii qabsan karo ka hor xili ciyaareedka cusub ka hor. Lukaku ayaan ka soo xaadirin tababarkii kooxdiisa Everton oo ay khamiistii ku soo laabtay taas oo keentay in tababaraha Everton ee Ronald Koeman uu ka sii cadhoodo.

Paul Pogba iyo wakiilka Lukaku ee  Mino Raiola ayaa Manchester United ka caawinaya in uu heshiiskani dhamaystirmo iyada oo Manchester United ciyaartoy kale oo uu wakiil ka yahay Mino Raiola lacag  badan ka soo bixinaysa waxayna hore uga heshay Paul Pogba, Henrikh Mkhitaryan, Zlatan Ibrahimovic iyo Sergio Romero.

Warbaahinta England ayaa qoraysa in Romelu Lukaku uu saxiixi doono heshiish shan sanadood ah isla markaana uu usbuucii qaadan doono £200,000 kun oo gini. Qof ku sugan Old Traffrod ayaa sheegay in United ay kalsooni buuxda ku qabto in ay dhamaystiri doonto heshiiska Lukaku halka xiisihii Man United ee Alvaro Morata uu soo dhamaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here