(DYX) Arsenal Oo Dalab Labaad Oo Ay Horumarin Ku Samaysay Ka Gudbisay Xidiga Kooxda AS Monaco Ee Thomas Lemar.

0
281

Arsenal ayaa dib ugu laabtay kooxda AS Monaco waxayna u dirtay dalab labaad oo ay horumarin ku samaysay kaas oo ay ku doonayso saxiixa xidiga khadka dhexe ee Thomas Lemar. June 28 ayay kooxda AS Monaco iska soo diiday dalab 30 milyan oo gini ku qiimaysnaa oo ay Gunners ku dalbatay Thomas Lemar balse Arsene Wenger ayaa kooxdiisa ka u sheegay in markale ay dalabkooda sarre u qaadaan oo ay ku laabtaan AS Monaco.

Kooxda AS Monaco ayaa Arsenal hore ugu sheegtay in qiimo kasta aanu Thamos Lemar iib ku ahayn iyada oo si sahlan markiiba ku soo diiday dalabka 30 milyan ee gini ahaa ee ay kooxda Arsene Wenger ku doonaysay xidigan waxayna Monaco wali ku dagaalamaysaa sidii ay kooxdeeda ugu sii hayn lahayd xidigihii koobka horyaalka France ka caawiyay xili ciyaareedkii soo dhamaaday.

Sida uu wargayska France ka soo baxa ee  L’Équipe sheegay waxay Arsenal kooxda As Monaco u gudbisay dalab labaad oo ku qiimaysan 40 milyan oo gini kaas oo dhigma 45 milyan oo euros waxayna Gunners doonaysaa in kadib helitaankii Alexandre Lacazette uu Thomas Lemar noqdo xidiga xiga ee ay awooda saari doonto.

Thomas Lemar oo ka mid ahaa xidigihii da’yarka ahaa ee AS Monaco wacdaraha ku soo dhigay ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday kooxdiisa u soo dhaliyay 14 gool halka uu  caawintooda sameeyay 14 gool oo kale taas oo la micno ah inuu guud ahaan ku soo lug lahaa 28 gool oo ay Monaco xili ciyaareedkii dhamaaday ka soo dhalisay tartamada oo dhan.

Kadib markii ay xili ciyaareedkii la soo dhaafay kaalinta shanaad kaga dhamaysatay horyaalka Premier Leaque-ga ayay Gunners rekoodhka suuqa kala iibsiga kooxdeeda ku jabisay Alexandre Lacazette kaas oo ay lacagtiisu gaadhi doonto 60 milyan oo euros balse markale waxay diyaar u tahay in ay Monaco la gaasho wada xaajood iyada oo sugaysa jawaabta ay kooxda ree France ka soo celin doonto dalabka 45 ka milyan ee euros ah.

Haddii ay Arsenal kooxda Monaco heshiis kala gaadhi kari waydo saxiixa Thomas Lemar waxa uu markaas Wenger diirada ku jeedin doonaa Riyad Mahrez inkasta oo ayna Arsenal doonayn in ay xidiga ree Algeria ka bixiso 50 ka milyan ee gini ee ay Leicester City ku qiimaynayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here