(DYAX) Cristiano Ronaldo Oo Kulan Qarsoodi Ah Milkiilaha Paris Saint-Germain Kula Yeeshay Jasiirada Uu U Dalxiis Tagay Ee Ibiza – Maxay Ka Wada Hadleen?

0
212

Cristiano Ronaldo ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay milkiilaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Spain.

Labada nin ayaa ka wadahadlay heshiis rikoorka adduunka noqonaya uu uga soo wareegayo Real Madrid iyagoo ku kulmay mid ka mid ah doonyaha raaxada oo ku xirneyd jasiirada uu Ronaldo u dalxiis tagay ee Ibiza sida ay sheegay OK Diario.

Kabtanka Portugal ayaa fasax ku qaadanaya jasiirada Isbaanishka ka dib markii uu wadankiisa gaarsiiyay semi-finalka koobka Confederations Cup.

Waxa uu seegay kulankii kaalinta seddexaad si uu waqti u la qaato mataanihiisa cusub.

Xiddiga Real Madrid ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Santiago Bernabeu xagaagan ka dib markii lagu eedeeyay qiyaano canshuur.

Ronaldo oo 32 sanno jir ah ayaa weydiistay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu u soo dhameeyso riyadiisa ah inuu ku laabto Old Trafford.

Laakiin madaxweynaha Real Florentino Perez ayaa u sheegay esRadio: “Waan ogahay in Cristiano uu careysan yahay, laakiin waxaan u maleynayaa inuu sii joogi doono.

“Lama aanan hadlin isaga. Waxa kaliya ee ay tahay in la sameeyo ayaa ah in la sugo oo lala hadlo ka dib koobka Confederations Cup.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here