[XASAASI: Khilaaf Xoogan oo Hakiyey Hawlahii Shaqo ee Madaarka Hargeysa oo Ka Dhex Curtay Madaxda Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland+ Halka uu Salka Ku Hayo Khilaafkaasi

0
147
Hargeysa(DYX):-Warar xog-oggaal ah oo na soo gaadhaya, ayaa sheegaya khilaaf aad u cakirani uu ka dhex-qarxay Madaxda Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ka dib markii ay isku maan-dhaafeen shaqaale dhawaan Madaarka Hargeysa loogga eryey in ay salaameen Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo uu wasiirku sheegay in lagu soo celinaayo shaqadoodii balse ay ganafka ku dhufteen agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo weli ba Maamulaha Madaarka Hargeysa.
Ma jiraan warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-oggaal ah, ayaa sheegaya in la isku maan-dhaafsan yahay shaqaalahii dhawaan laga eryey Madaarka Hargeysa, waxaana agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Md.Cumar-Sayid iyo weli ba Maamulaha Madaarka Hargeysa Md.Maxamed Yuusuf ay go’aan ku gaadheen in haddii shaqaalahaas dib looggu soo celiyo Madaarka Hargeysa in ay gebi ahaan ba iska casilayaan shaqada iyo xilka ay ka hayaan wasaaraddaasi balse wasiirka Wasaaradda Duulista Md.Farxaan Aadan Haybe oo ku andacoonaya in uu isagu yahay Madaxa ugu sarreeya ee wasaaradda, ayaa isna muujiyey in uu yahay shakhsiga ka taliya guud ahaan Wasaaradda iyo Madaarka ba isla mar ahaantaana aan la eryi karin shaqaale aan ku gefin xeerarka shaqada ee Madaarka Hargeysa iyo weli ba xeerarka guud ee shaqaale-weynaha Somaliland.
Khilaafkan hirigta ah ee ka dhex curtay Madaxda Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo maraaya meel aad u halis ah, ayaa gebi ahaan ba saameyn ku yeeshay hawlahii shaqo ee Madaarka, waxaana wararku xaqiijiyeen in labadii cisho ee ugu dambeeyey ay curyaameen habsami u socodkii hawlaha shaqo ee Madaarkaasi iyada oo si xoogga loogga dareemayo mashquul aad u badan maadaama sida oo kale lagu jiro wakhtigii xagaaga oo dadka adeegsanaaya Madaarku ay aad u tira badan yihiin.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md.Farxaan Aadan Heybe, ayaa ay arrintani ku noqotay hal-xidhaale aad u adag maadama si toos ah ay shaqaale hoosaadkiisu ugu gacan dhaafeen hawlahii shaqo ee Madaarka iyo guud ahaan ba Wasaaradda taas oo muujinaysa in aanu gacanta ku haynin maamulka iyo shaqada Wasaaraddaasi, waxaana la dhowrayaa qaabka uu u wajahi doono shaqaalahaas dhawaan laga ereyey Madaarka Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here