Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Maanta Hadhimo Sharafeed u Sameeyey Cuqaasha iyo Odeyada Ka Soo Jeeda Beesha Abokor Muuse ee Ciidagale[+SAWIRO]

0
157

Hargeysa(DYN):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) uu hadhimo sharafeed ugu sameynaayey cuqaasha iyo odeyada ardaayada beelaha Abokor Muuse ee Ciidagale, ayaa maanta ka dhacday hotel Ambassador ee Hargeysa.

Hadhimo-sharafeedan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka soo jeeda beelahaasi oo xilal kala duwan ka haya Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale toddoba Jiif Caaqil iyo 50 odey oo ka soo jeeda beelahaasi, waxaana cuqaashii halkaas timi ka mid ahaa Jiif Caaqil Nuur Muxumed Cumar, Jiif Caaqil Aabi Xasan, Jiif Caaqil Maxamed Weerar, Jiif Caaqil Cabdi Jamac Cawaale, Jiif Caaqil Muxumed Siciid, Jiif Caaqil Yuusuf Axmed Carab iyo weli ba Jiif Caaqil Axmed Buraale.

Cuqaashan iyo odeyadan oo ugu horreyn halkaas mid mid uga hadlay, ayaa waxa ay ugu horreyn guddoomiye Cirro uga mahad-celiyeen hadhimo-sharafeeda uu ku maamuusey iyaga oo halkaas ku soo bandhigay tabashooyin badan oo ay ka muujinayaan Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo ay sheegeen in ay ku khasaareen isla mar ahaantaana ay hagradeen beeshooda oo aanay Xukuumadda ka haynin wixii ay xaq u lahaayeen dawladnimo, waxaana isla goobtaas ay cod dheer ku sheegeen in ay taageero buuxda ay u hayaan Xisbiga WADDANI oo ay tilmaameen in uu yahay xisbiga keliya ee maanta lagu aamini karo talada dalka Somaliland.

Cuqaashan iyo odeyadan, waxa sida oo kale ay sheegeen in beesha Abokor Muuse aanay u xidhneyn xisbiga UCID iyo Xisbiga KULMIYE toona balse ay maanta go’aan ku gaadheen in ay ka tashadaan aayahooda mustaqbal oo ay tilmaameen in ay keliya ku aamini karaan Xisbigaasi WADDANI.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in uu la kulmo cuqaasha iyo odeyada Ardaayada beesha Abokor Muuse oo uu tilmaamay in ay yihiin dad aad u wanaagsan oo dulqaad badan, waxaana uu uga mahad-celiyey taageerada iyo kalsoonida buuxda ee ay maanta u muujiyeen ay si buuxda u garab istaagayaan Xisbiga WADDANI isaga oo u balan-qaadey in Xukuumadda WADDANI ay siin doonto wixii ay cadaalad ahaan ku lee yihiin qaranka oo aan waxba laga duudsiyi doonin.

Ugu dambeyntii, labada dhinac waxa ay si aada isu la jeex jeexeen siddii loogga wada shaqeyn lahaa qaadashada kaadhka diiwana-gelinta codbixinta Doorashada Somaliland oo la filaayo in dhawaan laga bilaabo gobalka Maroodi-jeex, waxaana ay kala guddoonteen in si weyn loogga wada hawl-galo siddii dadka looggu abaabuli lahaa qaadashada kaadhka codbixinta Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here