waxad ka wewerayso iyo hamigaga ilow,cilmiga aad baratay iyo shaqadaada ilow wax kasta oo ku qarson dunidan dhalanatedka ah ka tag

0
430

53-”Ilaahow hadan dhawaco Dadka,waxad i siisa kalsooni aan ku rali geliyo,haday i dhawacana i sii kalsoni aan ku cafiyo,,

 

54-”Dalka waxa jooga laba Tuug tuug ya-yar iyo tuug waweyn,tuugta ya-yar waxa eryada Booliska lakiin tuugta wa-weyni waxay ilaaliyan Boliiska,, ~xigasho~

 

55-All’e mar-mar dadka wuxuu ka xidha Ilbaabada,wayo waxay gadhen marxaldii ay hore uga mari lahen durufta ay ku sugan yihiin,Illaahayna wuu ogson yahay,in aan hore laga marayn marxalada lagu suganyahay ilaa uu keeno duruuf adag oo ina

khasabta,,

56-waxad ka wewerayso iyo hamigaga ilow,cilmiga aad baratay iyo shaqadaada ilow wax kasta oo ku qarson dunidan dhalanatedka ah ka tag.maxa ka danbeya?donistadu ha ahato ralinimada All’e,qastigagu ha ahado All’e dartii,Hamigagu ha ahado All’e dartii ,xusustadu ha ahato Alle dartii,fekerkagu ha ahado All’e dartii,,

 

57-”All’e inoma abuurin in aynu janada ku galo hawlyari,lakiin wuxuu ino aburay in ay aynu dadaal ku weeraro,,

 

58-”Qalbigu haduu dhinto raxmada guurta,caqligu hadu tagona xikmada tagta lakiin hadii damiirku kaa tago wax waliba way kaa guuran,,

 

59-”Baqdintu waa masiibada caqliga waxad arkay,Malqabeen u ciyaraya siyasiyiin iyago ilashanaya maslaxad gaar ah,,

 

60-”Umada Hugankii dhaqanku ka dhega layahay,Hugnkii siyaasiguna ka indhala yahay way hogtay,,

 

61-”Hugaamiya Runta ah bulshada wuxuu uga taga Nidaam wacan,wuxuu u sii jeexa dariiq lakiin kama fekero dorashada soo socota oo keliya,,

 

62-”Siyaasadu waa faan iyo khiyamo,lakiin waxay leedahay miidan weyn oo lagu ciyaaro,,

 

63-”hadii aanad jeclayn meesha aad ku sugantahay bedel ileyn geed matihide,,

 

64-”Ishu ma aragto ceebta hadii qalbigu jecel yahay qalbiga kale,,

 

66-”Indhah bulshadu ma arkan ceebta dul-hogata Ninka xun ee ay isku qabiilka yihiin,lakiin dheguhu way rumaystan ceebta dul-hogata Ninka aanay isku qabiilka ahayn,,

 

67-”Berigii Hore waxa la doon-doni jirey ninka runta uun yaqan,lakiin semankan aan joogno waxa la doona ninka beenta yar,,

 

68-”Bulshada mar-mar waan la yaba qofka wanagsan way jecelyihiin lakiin xaqiisa

iyo ixtiramkiisa ma siiyan,qofka xuna way necebyihiin lakiin waxay siiyan xaq iyo ixtiram aanu mudnayn,,

 

69-”hadii aad tahay Hugaamiye guushu waxay kugu jirta dadkii ku badhi tarayey lakiin hadii aad kursiga ku fadhiisatid guushu waxay kuugu jirta ragii kaa horjogey guusha,,

 

70-”Madaxtoyadii UDUB beenta way sheegi jirtey lakiin dad gaar ah ayay u sheegi jirtey xilyada qaarna way sheegi jirtey.lakiin Madxtoyada siilanyo dadka oo dhan ayay u sheegta xili kastana way sheegta,,~xigasho~Muse Gaadhane.

 

71-”Dabeecadu maaha sida Faraha Boliisku qado oo kale,inaga ka masuul ah oo wax ka bedeli karna qaabka bulshadu u fekerto iyo asluubta ay ku dhaqanto waa hubaal in aad helaysid isbedel wacan,,~xigasho~Muse Gadhane.

 

 72-”Bulshadu waxay u bahan tahay;cadaalad iyo sinaan,ixtiramka xoriyata qawlka ixtiramka xoriyada ganacsiga,ixtiramka xuquuqda madaniga ah ee shakhsigu xaqa u leyahay iyo talada oo bulshada lagula shurakobo.waxa wajib ku ah ixtiramka In la siiyo madaxweynaha la soo doorto iyo laamihiisa dawliga ah ee uu magacabo,,

 

73-”Nabadgelyadu waa tiir ka mid ah nolosha,dacadnimadu waa tiir ka mid ah nolosha,runtu waa tiir ka mid ah nolosha,akhlaqdu waa tir ka mid ah nolosha kalgacaylku waa tiir ka mid ah nolosha,,~xigasho~Muse Gaadhane.

 

74-”Dhalinyaranimo waa khasnad lakiin ma ka taqan wayeelnimada?

Afku hadalka wuu daya,araguna wuu daciifa,maqlkuna wuu gaba,qalbigu wuxuu keena ilawshiinyo,caqliguna wax walba wuu khalda,dhadhanka macaani wuxu soo baxa qadhadh,sankuna hawada si fiican uma qato,fadhiga iyo kicidu waa xanun ee ka fa’aidayso dhalinyaranimada,,~xigasho~Muse Gadhane.

 

74-”Ninka igu khaldama ma nebci,lakiin waxan necebahay ninka khaladkiisa ogson hadana aan diyarka u ahayn in uu saxo,,~xigasho~Muse Gadhane

 

75-”marka aan baqdini jirin ee gajo jirin,hurdaduna badato shahwaduna dheregto waxa soo baxa qof kasta shakhsiyadiis runta ah.waxad arki qof ku socda afartaba sida xayawanka,waxad arki qof wax qaniina sida dibqaloca,waxad arki qof beerka ku hadafa sida abeesada,waxad arki qof baalal yeesha sida Mal’aaigta!!!

 

76-”hadii aad aragtid daka oo ku wada jeclada,ogow in All’e kaa tusay wanag yaab leh.waxna kama oga ceebta,iyo xumaanta Alle kuu asturay marka u mahadnaq,,

 

77-”Madaxweyne Siilanyo wuxu leeyahay,laba dublumasiyadod mid macaan oo ka macan malabka iyo mid qadhadh oo ka qadhadh dacarta.udub tii hore iyo kooxda isbahaysiga wuxuu leefsiiyey dublumasiyad Dacarta ka qadhadh,,

 

Muse Mohamed Duale Gadhane.

duale@hotmail.com

 

La Wadaag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here